Sawirro: R/W Xamza iyo Mr. Atul Khare oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Mr. Atul Khare ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay ay siiso Dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Qaramada Midoobay u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ugu dambeyntiina Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahad-celiyey QM taageeradooda ku aaddan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa sanadihii dambe sameynayay isbeddelo waaweyn, ayaga oo 16 sano kadib daba-yaaqadii sanadkii tegay la wareegay amniga guud ee xafiiska madaxweynaha, midka ra’iisul wasaaraha iyo kan guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Si kastaba, ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadkaan 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Soomaalida oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan.