Sawirro: Xamza oo kormeer ku tegay kuliyadda TURKI-SOM – Muxuu kusoo arkay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo kormeeray Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey, xilliga uu kormeerka ku tegay.

Waxa uu tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay saraakiil iyo xiidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, islamarkaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen ciidanka qalabka sida, taasi oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo dalka.

Mudane Xamza oo la hadlayay saraakiil iyo saraakiil xigeen ka tirsan ciidanka Gorgor ee X.D.S, ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo inay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.

Guutada Gorgor ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay ra’iisul wasaaraha in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka.

“Waxaa haddana laga filayaa (Gorgor) in ay ka sifeeyaan Khawaarijta goobaha ay ku dhuumaaleeysanayaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre.

Intii uu socday kormeerka ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu ciidanka soo bandhigay dhoola-tus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.

Ugu dambeyntiina ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca qaranka.