Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii u horreeyay ee Xamza iyo safiirka cusub ee Turkey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday ayaa tilmaamay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaasi oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Danjire Alper Aktaş ayaa isna dhankiisa sheegay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

Mr. Alper Aktaş ayaa beddelay Ibrahim Mete Yagli oo isagu soo gaba-gabeeyay shaqadii diblomaasiyadeed ee uu u joogay Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, ayada oo dhawaan gaaray heshiis difaac, kaasi oo dhaqan-gal noqday kadib markii ay meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiiska difaac ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga ayey dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay mid Soomaaliya gaarsiin doona inay dhisato ciidan badeed ku filnaada difaaca baddeenna, xilli ay taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Soomaaliya ayaa Turkiga ku sifeysa waddan saaxiib iyo walaal la aamini karo ah, maadaama uu yahay walaal marar badan hiil inoo muujiyay, waxayna xilligaan la kaashaneysa difaaca qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.