Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu ugu kuurgalo hawlaha shaqo ee socda ku tegay Xarunta Wasaaraddaaasi.
Xamza ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay xubno kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo lu kulmay hoggaanka wasaaradda iyo saraakiila ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay gacanna ku xoreyneyso dalka, gacanna ay ku dhiseyso ciidanka Qaranka ee dalka kala wareegi lahaa ATMIS marka la gaaro sanadka 2024.
Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo Sharaf.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.
Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah dalkana ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.