Sawirro: R/Wasaare Xamza oo tegay xarumaha NISA iyo Booliska, kadibna amray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay taliyeyaasha Nabad-Sugidda iyo Booliska Mahad Salaad iyo Sulub Axmed Firin.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa amray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka, kana feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Sidoo kale Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.

Shalay waxaa xarunta NISA ee Habar-khadiija tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,  isagoo raadinaya xogta sida ay Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan magaalada Muqdisho, kadibna ay weerarka gaysteen hotel SYL oo u dhow madaxtooyada.

Kadib weerarkii Al-Shabaab ee SYL ayaa waxaa soo baxay tuhun wayn oo la xiriiray weerarkaas iyo sida ay meesha ku tageen ragga fuliyay, maadaama aad loo ilaaliyo.

Si kastaba, waxaa haatan socda baaritaan dheeraad ah oo ku aadan weerarkan, waxaana billowday isla xisaabtan, ayada oo saraakiil iyo askar badan loo xiray falkaasi.