Sawirro: Xamza iyo ku-xigeenkiisa oo tallaabo qaaday kadib weerarkii Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xalay tegay isbitaalka Digfeer oo la dhigay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Ujeedada Xamza ee booqashada Isbitaalka Erdogan, ex Digfeer ayaa ahayd si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay habeen kahor ku qaaday hotelkaas oo u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa  ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada,  isaga oo allw uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Sidoo kale wuxuu ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Dhanka kale, waxaa isna isbitaalka tegay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo soo kormeeray xaaladda dhaawacyada oo ay ku jiraan mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano, afhayeenka madaxtooyada iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

“Waxa aan booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiintii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ah ay ka gaysteen hotelka SYL” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kalewaxa uu boggaadiyay ciidamada ammaanka soo afjaray weerarka, kadib howlgal saacado badan qaatay oo ka dhacay halkaasi.

“Waxa aan bogaadinayaa ciidanka geesiyaasha ah ee cadowga khawaarijta ah si geesinimada leh uga hor-tagay isla markaana fashiliyay dhagartii ay la maagganaayeen muwaadiniintii iyo masuuliyiintii goobta ku sugnaa” ayuu mar male yiri Mr. Saalax.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxa aan Allah uga baryayaa inta dhimatay in uu u naxariisto, inta dhaawaca ah caafimaad degdeg ah siiyo”