Sawirro: Rabshado iyo dibad-bax ka dhashay guushii Uhuru oo socda iyo dad badan oo la dilay

Nairobi (Caasimada Online) –Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay 11 qof oo ku sugnaa goobo rabshado ka dhaceen oo looga soo horjeeday guushii madaxweynaha xilka haaya ee mar kale guuleystay Mr. Uhuru Kenyatta.

Taageerayaasha murashaxii laga guuleystay Raila Odinga ayaa magaalooyinka iyo xaafadaha ay ku badan yihiin ka dhigeen dibadbaxyo rabshado wato oo lagu diidan yahay guushii Uhuru Kenyatta, halka taageerayaasha Uhuru ay iyagana wadooyinka isugu soo baxeen si ay u muujiyaan guusha murashaxooda.

Rabshadaha ugu badan ayaa waxay ka dhaceen magaalada Kisumu oo ay ku badan yihiin taageerayaasha hoggaamiyaha laga adkaaday ee 72 jirka ah Raila Odinga.

Wakaalada wararka Reuters ayaa kasuu warantay in saga qof lagu dilay xaafada Mathare ee magaalada Nairobi, sida ay Reuters kasoo xigatay sarkaal boliiska ka tirsan.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegaya in booliska ay xaafadaha saboolka ah howlgalo ka fuliyeen, kalana soo baxeen dad guryahooda ku jiray oo ay jirdil u geysteen.

Tan iyo shalay oo sabti aheyd oo guddiga doorashada Kenya ku dhawaaqeen guusha Uhuru Kenyatta ayaa waxaa dhacay rabshado iyo dibadbaxyo, waxaana laga cabsi qabaa in dalko ku sii faafo.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa shacabka ugu baaqay in ay knoll maalmoodkooda qabsadaan isla markaana deganaan muujiyaan.

Wasiirka wuxuu ku eedeeyay dibadbaxyada iyo rabshadaha socda inay ka danbeeyaan kooxo uu ku tilmaamay qaswadayaal.

Red Cross members stands near protesters supporting opposition leader Raila Odinga in Mathare, in Nairobi, Kenya August 12, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com