Sawirro: Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Dooxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah Madasha Dooxa.

Shirkaan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa daah-furay Amiirka Qatar, Tamim Bin Hamad Al Thani, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax iyo hay’ado caalami ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu khudbad dheer ka jeediyo Madasha, taas oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka.

Waa markii saddexaad ee uu Ra’iisul wasaare Khayre ka qeyb-galaayo Madasha Dooxa, isagoo goob-joog ahaa sanadihii 2018-kii iyo 2017-kii.

Sidoo kale  inta uu joogo Dooxa waxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa madaxda dalka Qatar iyo qaar kamid ah xubnaha kale ee ka qayb geleysa madashaasi.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow saaxibada ula ah Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka ay siisaa taageero kala duwan oo wax ku ool ah.