Ujeedka kulan dhex-maray Axmed Madoobe, Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaam Madoobe.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, ayaa lagu sheegay in kulanka uu ku dhacay hoyga Sheekh Shariif oo Axmed Madoobe uu soo booqday.

Sida qoraalka lagu sheegay, kulanka waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hannaanka loo maraayo doorashada 20/21, waxaana kulanka qayb ka ahaa Senator Ilyaas Cali Xassan oo ah xoghayaha Arrimaha dibadda ee Xisbiga Himilo Qaran iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo hadda ah guddoomiyaha xisbiga Horusocod Qaran.

Wax faahfaahin ah oo intaas dheer lagama bixin kulanka.

Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe ayaa isku siyaasad ka ah xaaladda dalka ee iminka, ayaga oo kasoo horjeeda qaabka ay dowladda wax u waddo.

Dowladda ayaa horey u diiday islamarkaana sharci darro ku tilmaamtay doorashadii Axmed Madoobe, halka Sheekh Shariif uu aqoonsaday kana qeyb-galay caleemo saarkiisa.

Labadooda iyo Shariif Xasan ayaa sidoo kale isku aragti ka ah nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020, oo ay rumeysan yihiin inaysan noqon karin qof-iyo-cod marka la eego xaaladda dalka, waxayna ka digeen in ku dhegnaanta arrintaas ee dowladda ay tahay xeelad waqtiga lagu kororsanayo.