Sawirro: R/W Xamza oo baaq cusub u diray Soomaalida

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laamiya, ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed u diray baaq muhiim ah.

Dhagax dhiga waddadaan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehliyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo, waxayna iskuna xireysa qaar kamid ah xaafadaha magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ayaa sheegay in dhismaha jidkani inuu qeyb weyn ka qaadan doono amniga, bilicda, shaqo abuurka, horumarka iyo isku-socodka magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Somaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska dalkooda, gaar ahaan kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin waddooyinka oo xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siineyso.

Mudane Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale waxa uu shalay xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxay kormeer ku tageen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo maray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka.

Xamza ayaa waxa uu markaas faray wasaaradda caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha.