Sawirro: Real Madrid oo markii 3-aad oo xiriir ah ku guuleysatay UCL

Kiev (Caasimada Online) – Kooxda Real Madrid ayaa markii seddaxaad oo xiriir ah ku guulaysatay koobka horyaalka Yurub ee UEFA Champions League iyadoob3-1 kaga guuleysatay kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiskal.

Kooxdaani Waa markii saddexaad ee si xiriir ahay ku guuleysato koobka horyaalka Yurub, waana markii 14-aad ee ay taariikhda tartankan ku guuleysatay.

Kooxda Real Madrid oo gool dhalinta ku horraysay ayaa waxa goolkii koobaad u dhaliyey Kariim Bin Siima daqiiqadii 51-aad, hase ahaatee afar daqiiqo uun ka dib ayaa goolkii barbarraha ahaa waxa kooxda Liverpool u dhaliyey Sadio Mane.

Daqiiqadii 64-aad iyo tii 83-aad ayaa laba gool ee guushu ku raacday kooxda Real Madrid dhalisay.

Xiddiga Liverpool Maxamed Salaax ayaa saftay soddonkii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta, laakiin waxa tabaraha kooxdu go’aansaday inuu bedelo maadaama oo dhaawac soo gaadhay, waxaana loo malaynayaa in garabka iyo gacantu kala baxeen.

Inkasta oo uu dhaawacaasi gaadhay ayaa hadana Salaax waxa uu doonayey in uu ku sii jiro ciyaarta hasse ahaatee way ku adkaatay oo isaga oo ilmo ka qubanayso ayuu ka baxay garoonka.

Waxaanay khubaradii ka faaloonaysay ciyaartu sheegeen in dhacdadaasi niyad jab weyn ku noqotay kooxda isla markaana ay sidaa ku waaweeyn ciyaartoy farsamo fiican oo uu ciyaarta kooxda ku dhiso lahaa iyo xagal daac ku yimid hindisihii ciyaareed ee tabobaraha kooxda.