Sawirro: Rooble oo laba arrin oo xasaasi ah kala hadlay madaxda warbaahinta dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa  kulan la yeeshay madaxda hey’adaha warbaahinta dalka, isagoo is xog-wareysi kadib dardaaran siiyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyada warbaahinta dalka ku ammaanay kaalintooda wacyigelinta bulshada.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday inay door weyn ka qaataan sidii indhaha shacabka iyo caalamka loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta saxaafadda uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka u yahay, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay ‘in doorashadu ku soo idlaato si nabad ah’ sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo muuqday inta badan madaxda warbaahinta dowladda iyo tan madaxa-banaan, waxuuna ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Kulanka ayaa ku soo aaday xilli dalku uu ku jiro marxalad doorasho oo khilaaf badan wajaheysa, sidoo kale abaaro baahsan ayaa ku habsaday gobollada dalka, waxayna warbaahintu muhiim u tahay soo tebinta marxaladahaan.