Shan arrin oo uu Rooble ku badbaadin karo doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu weli ku mashquulsan yahay inuu maareeyo buuqii ka dhashay doorashada Golaha Shacbka. Diidmada mucaaradka waxay xukuumadda ku dhalisay walaac ku saabsan in mushruuca doorashada uu fashilmo.

Dhinaca Madaxweyne Farmaajo isna waxaa la sheegay inuu rabo in si uun buuqa loo xaliyo, maadaama ay shaqo fiican uga dhex socoto maamul Goboleedyada doorashada bilaabay.

Haddaba waxaan warbixintaan ku eegeynaa shan arrimood oo la aaminsan yahay in haddii uu Ra’isul Wasaare Rooble ku dhaqaaqo inay xal iyo daawo u noqon doonaan dhibaatada taagan iyo midda imaan karta ee doorashada Golaha Shacabka.

1- Dib u eegis

Ilaa iyo hadda waxaa la doortay 21 kursi oo Golaha Shacabka ah, waxaana shalay la diiday laba kursi oo kamid ahaa kuraastii la doortay. Mucaaradka dhammaan kuraasta la doortay far ayey ku godeen sida loo wajahay.

Sida ugu fudud ee arrintaan loo shaki bixin karo waa dib u eegis, waxaana Ra’isul wasaaraha hor taalla inuu magacaabo guddi lagu kalsoonaan karo oo aan dhinac gooni ah raacsaneyn oo dib u eegis ku sameeya kuraasta illaa iyo hadda la doortay, guddigaasna uu natiijadooda ku saleeyo tallaabada uu ka qaadayo kuraasta soo baxday.

2- Go’aanka kuraasta la boobay

Rooble si uu dalka uga gudbiyo xilligaan adag waxaa laga rabaa inuu ku dhac yeesho, kuraasta la ogyahay in la boobay cidna ma dhihi karto waa xalaal, sidaas darteed Ra’isul Wasaaraha waxaa laga rabaa kuraasta boobkoodu cad yahay inuu go’aan adag ka qaato, si dalka iyo doorashada loo badbaadiyo, isagoo go’aankiisa ku saleenaya xaqiiqda goobta taalla.

Haddii uu awoodi waayo inuu laalo kuraasta la boobay ama kuwa la boobi doono waa adkaan doontaa inuu khilaafka dhamaado.

3- Kor joogto

Doorashada Golaha Shacabka waxay u baahan tahay kor joogto aan dan gooni ah xambaarsaneyn. Dalkaan waxaa jooga dad aad loo xurmeeyo oo aan la iibsan karin sharaftooda dhammaana ay dhinacyada aamini karaan.

Ra’isul Wasaare Rooble waxaa la gudboon inuu dhiso guddi kor joogteeya hufnaanta doorashada oo ka imaanaya Bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka, weliba bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, waa in laga qaataa kuwa lagu tuhmayo sumcadda guud si doorashada ay u badbaado.

Sidoo kale, waa in saxaafadda ay goobjoog ka ahaataa kursi walba si ay ummadda u aragto hufnaanta iyo habka loo maray kuraasta.

4- Turxaan bixinta habraaca

Buuqa hadda taagan kuma saabsana heshiiskii doorashada ee 17-kii September, balse waa habraacii ay dajiyeen Golaha wada-tashiga Qaran, dad badan waxay qabaan in loo baahan yahay in habraaca la turxaan bixiyo oo madaxda Golaha wada-tashiga Qaran shir isugu yimaadaaan, kana doodaan waxyaabaha kasoo laabtay habraacii ay dajiyeen.

Shirka noocaas wuxuu soo afjari karaa ku takri falka habraaca, waxaana la heli karaa dariiq lagu ballaariyo hannaanka loo marayo Kursi walba.

5 – Mudnaanta cabashada

Waxaa muuqata in cabashada la sahalsanayo oo aan loo joojineyn qabiilada iyo shaqsiyaadka caadiga ah. Mar kasta oo taas dhagaha laga fureysto waxay mucaaradka ku qasban yihiin inay kacaan oo dadkaas la dulmiyey u hadlaan.

Si looga badbaado buuqa weyn ee mucaaradka waxaa Ra’isul Wasaaraha iyo Golaha wada-tashiga Qaran laga rabaa inay dulmanayaasha u jawaabaan oo aan la quursan.

Qodobadaan iyo kuwa kale ayey dad badan u arkaan xalka ugu fudud ee uu Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dib ugu jiheyn karo doorashada dalka.