Mareykanka oo farriin culus u diray DF iyo Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka dooneyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna inay wada-hadal billaabaan, islamarkaana ka fogaadaan wax uga dari kara xaaladda banii’aadnimo ee halista ah ama weecin kara waxyaabaha hortableynta leh sida doorashada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo caawinaya kuwa Galmudug ayaa kuwa Ahlu-Sunna kula dagaalamay magaalada Guriceel horaantii bishii November, dagaalkaas oo istaagay markii wadaadada ay ka baxeen magaalada.

Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog ayaa sheegtay in ay waajib tahay in labada dhinac wada hadlaan.

Colleen Crenwelge oo arrinkan ka hadashay ayaa waxaa ay tiri “Marka laga hadlayo qalalaasihii Guriceel, waxaan sii wadi doonnaa inaan ugu baaqno dowladda Soomaaliya iyo Ahlu sunna iney wada hadal bilaabaan, si nabad ahna loo xaliyo khilaafka, oo wadahadal dheeraad ah waa laga maarmaan.”

“Ma dooneyno wax uga sii dara xaaladda khatarta ah ee markii hore halista ah, isla markaana weeciya waxyaabaha hortabinta leh sida sii wadidda doorashada.”

Dowladda Mareykanka ayaa aad uga carootay in dowladda Soomaaliya ay dagaalkaas u adeegsatay ciidanka Danab ee Mareykanka uu tababaro, oo ah ciidan loogu talo-galay inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Colleen Crenwelge ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli doonin iney taageerada Mareykanka u isticmaalaan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.

“Dib u eegista la xiriirta taageerada aan siinno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-Shabaab,” ayey tiri Colleen Crenwelge.

Waxay sii raacisay  “waxaa xaqiijin doonnaa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo islamarkaana la jaanqaadi karta siyaasadda Mareykanka.”