Sawirro: Rooble oo maanta MUQDISHO ka sameeyey dhowr kormeer + VIDEO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha Caafimaadka, Warfaafinta , Haweenka, Biyaha iyo Tamarta, iyo Kalluumeysiga.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in kormeerkaasi uu qayb ka ahaa howlaha kor-joogteynta ee lagu la socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda.

“Qorshahaan ayaa ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howllaha hor-tebinta leh ee hay’adaha dowladda u yaal,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xarumaha wasaaradaha uu booqday kulamo kula qaatay wasiirrada iyo wasiir ku-xigeenada u qaabilsan xukuumadiisa.

“Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiir walba ka xog-waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo soo gudbinta barnaamijka xukuumadda ee boqolka maalmood ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa Wasiirrada,” ayaa lagu yiri qoralkan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xarumaha warbaahinta Qaranka ee uu kormeeray Ra’iisul Wasaaruhu ayuu ku boggaadiyey shaqaalaha iyo maamulkooda howllaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan ee la xariira wargelinta, wacyi-gelinta iyo isku xirka dowladda iyo shacabka.”

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinka ka socda wasaardaha uu booqday maanta, waxuuna faray in gacanna loogu adeego shacabka, gacanna doorasho lagu galo, si aysan u hakan shaqooyinka socda.