DF oo Mareykanka kala hadleysa khilaafka Kenya iyo dacwad loo gudbinayo QM

Washington (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa isaga oo ka qeyb galayay barnaamij ka baxay VOA-da, waxaa uu sheegay inuu dowladda Mareykanka kala hadli doono khilaafka Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in uu qorsheynayo la kulanka xubno ka tirsan Golaha Ammaanka QM, si uu ugu gudbiyo ashtakada Soomaaliya iyo soo bandhigidda waxay ka tabanayaan oo uu ku qeexay ku xad gudubka sharafta dhuleedka ee dalka.

“Waxaan aad ugu xunnahay, oo aanan rabin in ay Kenya nagu wado faragelin, ha noqoto arrimaheena siyaasadeed ama ha noqoto xuduudaheena oo ay kusoo galaan ogolaansha la’aan, in ay diyaaradahoodu dalkeena iska soo galaan oo ay duqeeyaan dad Soomaaliyeed, xoolahooda, iyo hantidooda,” ayaa uu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka ayaa dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ka faa’iiday jarista xiriirka Kenya, ayna ku heshay dhageysiga wadamada caalamka oo aan horay u maqli jirin dhibaato iyaga ka timaada iyo ixtiraam ay u muujiyeen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa bartamihii Bishii December ee 2020 sheegtay in ay si rasmi ah xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay dowladda Kenya, maalmo kadib markii ay kulmeen Madaxwaynaha kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale shir aan caadi ahayn oo madaxda IGAD ay 20-kii December ee sanadkii hore ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa laga soo saaray qodobo la sheegay in hordhac u ahaayeen xal ka gaarista khilaafka labada dal Soomaaliya iyo Kenya.