Sawirro: Rooble, Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo la kulmay ganacsatada + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir, kadib dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ahaa oo ra’iisal wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo HirShabeelle, oo ayagu dhawaan ka horyimid muddo kororsigii uu Golaha Shacabka u meel-mariyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa looga hadlay kulankaan sidii ganacsatada uga qeyb qaadan laheyd kaalinteeda ku aadan xoojinta   xasiloonida caasimadda iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Ganacsatida Muqdisho ayaa loo arkaa awood ballaaran oo saameyn ku yeelan karta loolanka magaalada, haddii ay taageeraan musharaxiinta iyo haddii kaleba.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa hore ugu baaqay ganacsatada inay joojiyeen canshuurta ay siiyan Farmaajo, “Ganacsatadeena waxaan ugu baaqayaa in aysan Farmaajo Canshuur iska siin maadaama uu Sharcidaro ku joogo Villa Soomaaliya”.

Kulankaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya kulamo uu saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo lagu dejinayo xiisada ka taagan magaalada, oo soo qaboweysay tan iyo markii lagu dhawaaqay in dib loogu laabanayo heshiiskii doorasho ee 17-kii September.