Muqdisho (Caasimada Online)-Mas’uuliyiin uu hogaaminaayay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu maamuusaayay Dhalashada Boqorada dalka Britain Queen Elizabeth II.
Mas’uuliyiinta uu Sharmaarke hogaaminaayay ayaa waxa ay isugu jireen Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan.
Mas’uuliyiintaani ayaa safaf dhaadheer u galay dhismaha Safaarada Britain ee ku dhextaal xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in mas’uuliyiinta Soomaalida oo qura lagu marti galiyay munaasabada.
Kaamirada ayaa qabatay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ugu horeeyo Ra’isul wasaaraha kuwaasi oo marba goob lagu sawiraayay, waxa ayna u muuqdeen kuwo lagu quruxsanaayay munaasabada.
Sharmaarke oo hadalo kooban ka jeediyay munaasabada ayaa ugu hambalyeeyay Dhalashada Boqorada dalka Britain.
Sharmaarke waxa uu sheegay in Dowladda Britain ay ka mid tahay Dowlaha sida weyn u taageera arimaha Somaliya, islamarkaana aysan ilaawi doonin.
Boqorada Britain Queen Elizabeth II ayaa hadda jirsatay 90 sano.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA

















