Video: Dahabshiil oo kumanaan dollar ku bixisay xuska Ethiopia

Doca (Caasimada Online) – Waxaa lagu qabtay magaalada Doxa ee dalka Qatar xaflad loogu dabaaldeyay maalinta loo yaqaan Genpot oo aay isugu yimaadaan dhammaan jaaliyadda Itoobiya ee ku nool dalka Qatar.

Waxaa xafladda kafaala qaaday (Sponsor) oo bixiyay kharashka ku baxay shirkadda Dahabshiil oo ah shirkadda ugu weyn ee xawaalada Soomaalida. Haddaba dad badan oo Soomaali ah ayaa is weydiinaya waxa ku khasbay Dahabshiil in aay kafaalad qaado u dabbaaldega maalinta Itoobiya?

Maxamed Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda Jaaliyada Soomaalida ee dalka Qatar ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxa shirkadda dahabshiil uu isagu ku casuumayay dad Soomaali ah. Maxamed ayaa yiri “Waxaan aad ula yaabay markii uu xafiiska iigu yimid isagoo wada warqad caasuumaad ah in aan kala soo qeyb galo xafladda Genpot” Markaan weydiiyay sababtana waxaa uu iigu jawaabay waa dad iyo dal aan deris nahay. Waxaan xusuusiyay inta jeer ee uu marmarsiiyo ka bixiyay markaan weydiisanay in uu kafaalad qaado xafladdaha aan u sameyno 1da Luulyo. Markii uu ku guul dareystay in uu Soomaalida Doxa ku casuumo ayuu wuxuu visooyin u diray rag kale oo ka shaqeeya xawaalada dahabshiil kuwaasoo Hargeysa iyo Burco uga yimid in aay ka qeyb galaan xaflada Genpot.

Waxaanu shaki ku jirin in Dahabshiil aay tahay shirkad ka faa’iiday burburka iyo dhibaatada Soomaaliya, waxaana aay saaxib kula tahay in burburka sii dabadheeraado Tigreeda ka talisa Itoobiya. Dahabshiil ayaa ka masuul ah in Soomaalida Waqooyiga aay gebi ahaanba isku dhiibaan Itoobiya. Dhibka Soomaaliyana xal looma helaayo inta aay jirto shirkaddan Dahabshiil.
Weligaa ma aragtay xaflad lagu xusaayo maalinta xorriyadda 1da Luulyo oo aay soo qabanqaabisay Dahabshiil? Weligaa ma aragtay Dahabshiil oo qarash ku bixineyso shir dib u heshiin? Weligaa ma aragtay Dahabshiil oo u gurmaneyso Soomaali dhibaato ku jirta?

Dahabshiil iyo Itoobiya waa caqabada ugu weyn ee haysata in dadka Soomaaliyeed aay helaan degenaasho siyaasadeed, waana labada ugu horreeya ee godka ka tuuray Soomaalida waqooyi.

Dahabshiil iyo Itoobiya waxay ka faa’iideen burburka Soomaali weligoodna waxay ka shaqeyn doonaan in aay Soomaali sii kala fogeeyaan.

 

Daawo adigaa fajici doonee

Caasimada Online
Xafiiska Dooxa
caasimada@live.com