Sawirro: Saciid Deni oo shirar xasaasi ah ka wada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Deni ayaa la shiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxames Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo iska xog wareystay xaaladaha soo kordhay iyo caqabadaha weli ka taagan dhameystirka doorashada 2022-ka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid ay dibad joog ka tahay saxaafadda, waxaana qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Puntland ku shaacisay kulanka mas’uuliyiintaan, kaas oo qayb ka noqonayo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee Deni.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa bilaabay inuu la shiro xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu uga gado damiicsa siyaasadeed ee hoggaanka Villa Soomaaliya.

Xubnaha uu la shiray ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad oo ka tirsan mucaaradka, isla-markaana ka mid ah xisbiga UDP ee madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sidoo kale xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo qaar ay hadda xildhibaano yihiin.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku shaaciyey kulankaan oo ahaa mid afurin ah, isla markaana uu isugu yeeray saraakiisha waaweyn ee ciidamada Soomaaliya.

“Caawa waxaan kulan afur ah la qaadanay saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida ee kala duwan, oo qeybtood dalka kasoo qabteen xilal heer wasiir ah,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka wadahadleen arrimaha ammaanka oo baahida ugu badan ay Soomaaliya u qabto xilligaan.

“Waa waayo arag dhinaca amniga ah oo wax badan usoo joogay, una soo shaqeeyay dalka iyo dadka, waxaan ku boggaadinaya in ay marwalbo khibradooda uga faa’iideeyaan dalka marxalad kasta. Waxaan uga mahadcelinaya kulankii wanaagsan ee aan wada qaadanay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Saciid Deni.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, Jeneraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud iyo Jeneraal Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa ka mid ahaa saraakiisha uu xalay casuumay Saciid Deni oo tobaneeyo gaarayey.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, xilli xiisad siyaasadeed ay uga kacsan tahay Puntland oo sida u qorsheysan uu dib ugu laaba doono, hadii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.