Sawirro cajiib ah: Soo dhoweyntii Sacuudiga ee Trump oo aad loo hadal hayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyad (Caasimada Online) –ย Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqashadiisii ugu horraysay tan iyo markii xafiiska uu qabtay ku tegay boqortooyada Sucuudi Carabiya, isagoo maanta ka degay Magaaladda Riyad.

Wafdiga Trump waxaa gegida diyaaradaha ee King Khaalid kusoo dhaweeyay boqorka Sacuudiga boqor Salman Bin Cabdulcaziiz.

Trump ayaa maanta la kulmi doono boqor Salmaan, waxaana uu Axada beri ah khudbad u jeedin doonaa hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale la filayaa in kulamadaasi uu Heshiis kula saxiixdo boqorka Sacuudiga boqor Salman Bin Cabdulcaziiz.

Trump, booqashiida tan xigta wuxuu ku tegi doona wadanka isreal, waxaana madaxweynihii u horreeyay ee Maraykanka ee booqashadiisa kowaad ku tega wadan muslim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News