Sawirro: Safaaradda Somalia ee dalka Kenya oo yeelatay dhisme weyn oo cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa isbeddel weyn laga dareemaya safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, marka loo eego marxaladihii kala duwana ee ay safaaradu ku soo shaqeysay 16-kii sanno ee u dambeeyay.

Isbeddeladan oo ah kuwa ishu ay qabaneyso ayaa waxaa ka mid ah: dhismaha safaaradda oo la balaariyay, masjid weyn oo laga dhisay gudaha safaaradda, dadka howlaha shaqo u yimaada safaaradda oo loo diyaariyay qeybo gaar ah iyo nidaamkii shaqo ee safaaradda oo ay hufnaani ka muuqato.

Safaaradda oo aan maanta booqasho ku tegay ayaa waxaa kula kulmay dad howlo shaqo u yimid, waxaanna dadkaasi ay u muuqdeen kuwa ku faraxsan howlaha safaaradda.

“Madaxdu waa 2 nuuc, mid marka uu xilka hayo xitaa isaga oo wax qabanaya ayuu mudnaanta siinaya dantiisa shaqsiga ah, midna wuxuu aamisan-yahay ummadda xilka kuu dhiibatay taariikh kaga tag: Safiir Tarzan waa dadka ay ka go’an tahay marka xil loo dhiibo inuu ummadda si daacadnimo ah ugu shaqeeyo, kana soo dhalaalo kaalintiisa,” waxaa sidaas yiri Ganacsade Muxudiin Cali oo kamid ahaa dadkii aan kula kulmay gudaha safaaradda

“Dib u fiiri taariikhdiisa weli dadku way xasuustaan wixii uu ku qabtay Gobolka Banaadir, nalalka jidadku ku dhegan maamulkiisa ayaa qabtay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isaga oo sheegay in uu kamid yahay dadka ku faraxsan isbeddelka dhanka horumarka ah ee ay safaaradu ku tillaabsatay.

“Waxaan ka shaqeeyaa “Agency” howsheenu waxay tahay soo saarista viisooyinka, waxaan tegay safaarado badan oo Afrikaan iyo Asian ah, waa ka maseeri jiray safaaradahaasi marka aan howl u tago, maanta marka aan arko sida safaaradeenu u shaqeyneyso waa ku faraxsanahay in safaaradeenu u ekeeto ama la tartami karo safaaradaha caalamka” ayuu yiri Cabdinaasir Xassan, isaga oo intaasi raaciyay in dhulka safaarada weliba ay ku fadhido uu yahay dhul dalkaagii oo kale ah.

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa xiligaan waxay tahay safaarada ugu weyn dhisme ahaan marka loo eego dalalka Afrika safaaradahooga ku yaala dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi, safaarada ayaa xiligaan ka duwan safaaradii hore ee ay ku shaqayn jireen safiiradii soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay ee Danjire cali amerika iyo Danjire Jamaal.

Safaaradii hore oo ahayd mid kiro ah oo ay deganeyd safaarada ayaa ahayd dhisme aad u yar oo aysan ku habooneyn safaarad, balse safaaradan ayaa ah mid aad u wayn balac ahaan iyo dhisme ahaan, waxayna ka kooban tahay qeybo kala duwan, sida qeyb dadka ay fadhiistaan, qeyb bakin ah, qeyb adeega safaarada ay ku shaqayso, qeyb gaar ah oo ah qeybta qadashada Baasaboorka iyo xareenta iyo qeyb kale oo ah qeybta dadka balanta leh ay fadhiistaan, bulshada Soomaaliyeed ayaa xiligaan helay safaarad dhameestiran.

Sidoo kale Safiirka soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan ayaa waxa uu howlo muhiim ah xiligaas ka waday safaarada, intii aan ku guda jiray Howlahayga shaqo oo aan ugu kuur galayo safaarada, waxaa indhahayga qabanayeen Danjire Tarsan oo la hadlayo shacabka ku sugnaa qaybta Sugista Pasaporka, asaga oo waydiinaya xaaladooda iyo in shaqada si fiican loogu wado.

Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu dadka ku war-galinayay inay xirtaan Maaska, maadaama xanuunka Covid-19 uu ka jiro dalalka caalamka gaar ahaan dalka Kenya, waxa uuna kula dardaarmaayay in ay kala fogaadaan si ay u yaraato qatarka Xanuunka Covid-19.

W/Q: Wariye Abdihakim Elmi Hassan
Email: Cabdixakiin441@hotmail.com