Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii dhowaan xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa maanta ka degay magaalada Jowhar, isagoo doonaya inuu dib u soo qaato kursigii xildhibaan ee uu lumiyey markii loo magacaabay NISA.
Guddiga Doorashooyinka ayaa soo saaray wargelinta doorashada kursiga #HOP058 oo Jimcaha berri ka dhaceysa magaalada Jowhar.
Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kursigaas horay ugu fadhiyey kana soo qaatay Beledweyne ayaa lagu soo lamaaniyey Ismaaciil Warsame Faarax oo isna kursigaan u tartamaya, balse la aaminsan yahay inuu (malxiis) yahay.
Doorashada Soomaaliya ayaa yeelatay Malxiis, taas oo ka dhigan in kursigu u xiran yahay hal qof, balse u uku qasban yahay inuu lasoo heshiiyo qof u camira oo indhaha shacabka la tuso, iyadoo laga dhigayo inuu la tartamay.
Guddiga Doorashooyinka ayaa labada Jowhar ku guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimo Sanbaloolshe Ismaaciil, waxaana la soo bandhigay sawiradooda oo hadal-heyn ka abuuray baraha bulshada.
“Musharrixiinta, ergada, kor-joogtada, qeybaha bulshada iyo saxaafadda maxalliga ah ba waxaa lagu wargelinayaa inay wakhtiga ilaaliyaan oo doorashada kursigaan ka soo qeyb galaan, berri 20-ka Juun 2025,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashooyinka.
Sanbaloolshe ayaa caawa kursigiisii xildhibaanimo u hoos fadhiya Cali Guudlaawe oo intii uu joogay NISA iyo ka horba uu dagaal ku hayey, kana shaqeynayey inuu ku fashilmo hoggaaminta HirShabeelle.
Waxaa xusid mudan in siyaasiyiin uu horboodayo Sanbaloolshe oo reer Hiiraan ah ay isku dayeen in gobolka ay ka soo jeedaan ee Hiiraan ay ka jaraan HirShabeelle inteeda kale, iyagoo aan u heynin xal kale, taas oo la yaab ku noqotay dadka u dhuun daloola siyaasadda.
Sidoo kale, Sanbaloolshe ayaa loo arkaa in xukuumadda uu dagaal la geli karo, markii uu ku soo laabto Golaha Shacabka, maadaama xilkii NISA laga qaaday isagoo aad u raba, sidoo kalena uu diiday in meel kale la geeyo, sida la sheegay.
Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe ayaa u tanaasulay Sanbaloolshe, kuna soo dhaweeyey Jowhar, una ogolaaday in kursigiisa uu soo qaato, isagoo dib u laqay dhibaatooyinkii siyaasadeed ee ninkaan uu hoggaami jiray si loo cuuryaamiyo maamulkaas.