Sawirro: Sanduuqa dowlad dhiska Soomaaliya oo lacag badan loo ballan qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Ambassador Joachim Waern oo ah danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

Xamza iyo Joachim Waern ayaa ka wada-hadlaay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta kulanka socda safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa ballan-qaad lacageed u sameeyay ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo sheegay in dalkiisa uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay  ayaa kulanka uga mahad-celiyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay hormariso xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeyo dalal Yurub oo ay kamid tahay dowladda Sweden.

Dalka Sweden ayaa kamid ah waddamada beesha caalamka ee taageerada siiya dowladda federaalka, isaga oo ka qayb-qaatay mashaariicyada muhiimka ah ee laga fuliyo dalka.

Dowladda federaalka ayaa haatan wadda dadaallo kala duwan oo taageero caalami ah loogu raadinayo Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS), kaas oo maraya meel wanaagsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-