Sawirro: Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo maanta dalka dib ugu soo laabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan Boqol xubnood oo isugu jirta Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii ay tababar Ciidan ku soo qaateen Dalka Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) oo ka mid ahaa Madaxdii ku soo dhoweysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga mahad celiyay Dowladda Turkiga oo dedaal weyn ugu jirta sidii ay Soomaaliya u dhisan lahayd Ciidankeeda.

Sidoo kale wuxuu Wasiirku bogaadiyay dedaalkii ay geliyeen dhismaha Ciidanka Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Maxamed iyo Ra’iisulWasaare , Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sidoo kale ammaanay hammiga Dhalinyarada soo qaadatay tababarka ee ah difaaca Dalkooda Hooyo.

Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.