Sawirro: Sheekh Shariif oo maanta la guddoon siiyay shahaadada xildhibaanimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta guddoon siiyay shahaadada xildhibaano madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan kursiga tirsigiisu yahay #HOP146 kasoo qaatay magaalada Jowhar.

Sheekh Shariif ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo bulshada leh kursiga ee u gartay in uu ku madalo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in doorashada Madaxweynaha si nabad ah noogu qabsoonto,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo rajo ka muujiyay in dib u dhac uusan ku imaan doonin waqtiga loo qabtay in lagu soo doorto madaxweynaha cusub ee Somalia. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kursiga xildhibaano ay beeshiisa ugu tanaasushay inuu ku fadhiisto maadaama uu ka md yahay murashaxiinta madaxweynaha kuwooda muuqda.

Waxaa kursigaan horay ugu sharaxnaa wasiirka amniga DF C/llaahi Maxamed Nuur, balse heshiis hoose oo dhex maray kadib la siiyay Sheekh Shariif si uu ololahiisa doorashada ee gudaha baarlamaanka ugu adeegto.