Sawirro: Shirka madaxda maamullada oo si rasmi ah uga furmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goordhow si rasmi ah magaalada Kismaayo uga furmay shirkii madaxda maamul goboleedyada Soomaalida.

Shirkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacayaa Guriga Martida ee Jubbaland, waxaana halkaa ku sugan Hogaamiyayaasha maamul goboleedyada iyo xubno wehlinaaya.

Shirka oo jawi wanaagsan ku furmay ayaa waxaa furay Hogaamiyaha shirka marti geliyay ee Jubaland Axmed Madoobe, oo halkaa khudbad dheer ka jeediyay.

Shirka waxaa daadihinaya Agaasimaha madaxtooyada Jubaland Abshir Maxamed Coloow, waxaana si heer sare ah u socda khudbadaha Hogaamiyayaasha.

Shirka waxaa goob joog ka ah Hogaamiyayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo kan Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo xubno kale oo ka socda maamul goboleedyada.

Shirka ayaa waxaa xooga lagu saarayaa arrinta la xiriirta khilaafka Khaliijka oo saameyn ku yeelatay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Kismaayo, waxaana caawa hakat ku jira dhaqdhaqaaqa dadka ku nool magaalada Kismaayo.