Sawirro: Shirka wada-tashiga qaran oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirka golaha wada-tashiga qaranka, kaas oo looga hadlayo dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka ee dhacaya sanadkan aynu ku jirno ee 2021-la.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb-galaya hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho.

Furitaanka shirkan ayaa dood adag ay taagneyd, kadib markii uu qaadacay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe, kaas oo ugu dambeyn laga qanciyey tabashadii uu qabay, waxaana shirka uu uga qeyb-galayaa Aaladda Zoom-ka, isaga oo ku sugan dalka Turkiga.

Arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirkan waxaa ka mid ah ka tashiga dib u dhaca ku yimid qodobada qaar heshiiskii horey loogu gaaray magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa lagu soo hadal qaadayaa waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, wuxuuna shirka ka socdaa teendhada Afisyoone oo ku dhex-taalla xerada Xalane oo amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto marxalad kala guur ah, waxaana la’isku diyaarinayaa doorasho baarlamaan & mida madaxweynaha.