Sawirro: Shirweyne Qaran oo laga daah-furay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa socon doona muddo saddex maalin ah, waxaana qorshuhu in lagu dhaqan-gelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.

Shirweynahan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyada oo lagu soo bandhigayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wada-jir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaasi oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Mudane Xamza ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon-yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

Si kastaba, Xukuumadda Federaalka ee Dan-Qaran, ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu abuuri laheyd fursado shaqo, sida uu ka dhawaajiyay ra’iisul wasaare Xamza.