Sawirro: Sidee ayay diblumaasiyiinta Imaaraadka uga qeybqaaten gurmadka Qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah diblumaasiyiinta iyo howlwadeenada Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Diblumaasiyiinta iyo howlwadeenada Safaarada ayaa sheegay in weli loo baahan yahay dhiig maadaama dhaawacyada qaar ay yihiin kuwo aan heysan dhiig ku filan, sidaa aawgeed ay u bixiyeen dhiiga.

Diblumaasiyiinta ayaa dhiiga ka bixiyay Isbitaalka Sheekh Zaayid oo dowlada Imaaraadku ka hirgelisay Magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Sheekh Zaayid ayaa sidoo kale gaarsiiyay deeq daawo ah qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa.