Sawirro: Sidee ayay u dhacday Booqashada Ahmed Ahmed ee Garoomada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Garoomada magaalada Muqdisho booqday Madaxweynaha Xiriirka Kubada cagta Qaarada Afrika (CAF) Ahmed Ahmed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiiro iyo Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta C/qani Saciid Carab iyo xubno kale.

Mudada uu ku guda jiray booqashooyinka Garoomada ayaa waxaa wehlinaayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada oo ay kamid tahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumada Somalia Khadijo Maxamed Diiriye oo qudheeda u baahneyd wax ka ogaanshiyaha Garoomada Muqdisho.

Garoomada ay booqdeen ayaa waxaa kamid ahaa Garoonka Kubada cagta ee Istadyum Muqdisho iyo Garoonka kubada cagta Banaadir oo ku yaalla degmada C/casiis iyo Garoomo kale oo inta badan iminka lagu cayaaro.

Axmed Axmed ayaa bogaadiyay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta C/qani Saciid Carab iyo Xubnaha la shaqeeyo waxa uuna ballanqaaday in waxbadan uu ka qaban doono Garoomada iyo Cayaaraha ay Soomaalida la qaatan wadamada kale oo aad u yar.