Farmaajo oo sheegay cidda ay ku xiran tahay amaanka iyo dhaqaalaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta hadal ka jeediyey soo xiritaankii shirkii Muqdisho uga socday dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farta ku fiiqay cidda looga fadhiyo xalka Soomaaliya, haddii ay ahaan laheyd mid amni, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey in dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda looga fadhiyo inay wax badan ka badalaan caqabadaha ka jiro dhanka Amaanka iyo dhanka dhaqalaha.

“Beesha caalamka waxay raadinayso waxaytahay anaga inaan xalka keeno hadaan Soomaali nahay, cidkale oo xal noo keenaysa majiraan, cidkaloo dalkan noo difaacaysa ma jiraan, cidkaloo dhaqaale noo keenaysa ma jiraan, waxaasi oo dhan waxa laga rabaa waa anaga iyo shacabka Soomaaliyeed oo taageera dowladda federaalka iyo dowladdgoboleedyada iyaguna” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaan ummada Sooomaaliyeed ugu duceynaynaa in abaaraha iyo colaada alla ka dul qaado , shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay gacan iyo garab nagu siiyaan , maxaa yeelay danta guud ayaan ka shaqeynaynaa dan gaar ah waa ka tagnay”

Farmaajo ayaa hadalkaan ka hor sheegay dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay in la tashto, la heshiiyo, lana muujiyo isku xirnaan iyo kalsooni si loo qabto waxa shacabka uga fadhiyaan dowladda cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com