Fadeexad la sheegay inay ka dhacday doorashadii guddiyada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan Xildhibaanada dowladda soomaaliya ayaa ka dhawaajiyey inuu jiro musuq maasuq ku aadan qaabkii loo soo doortay hoggaanka guddiyada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo dhawaan lasoo magacaabay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo midka labaad ku eedeeyey inay faragelin iyo musuq maasuq qaawan ku sameeyeen doorashadaas oo ka dhacday Villa Hargeyso, waxayna tilmaameyn inaan inta badan Xildhibaanada lagu wargelin kulankaas.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiweli Muudeey iyo Mahad Cawad ayaa lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen qorsha wax lagu dooranayey, waxayna Xildhibaanada ka codsadeyn madaxda dowladda inay si deg deg ah arrintaan usoo farageliyaan.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa u adeegsaday arrintaan ereyga (Fadeexad) wuxuuna sheegay inaan la iska yeeli doonin, wuxuuna ugu baaqayo madaxda dowladda in si deg deg ah wax looga qabtay arrinta cusub oo ay ku dhaqaaqeyn Hoggaanka Baarlamaanka.

Sidoo kale Maxamed Nuuraani Bakar ayaa isna ka dhawaajiyey inay doorashadaas ka dhacday musuq maasuq aan horey loo arag, wuxuuna dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo guddiyadii la doortay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com