27.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 14, 2026

Sawirro: Sidee ayay u dhacday dhaarinta Madaxweyne Emmanuel Macron

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee dalk Faransiiska Emmanuel Macron ayaa loo dhaariyay xilka madaxweyninimo, kadib markii uu todobaadkii lasoo dhaafay ku guuleystay doorashada dalkaasi.

Munaasabada lagu dhaarinaayay Emmanuel Macron, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin aad u farabadan oo uu kamid ahaa Madaxweynihii hore ee dalkaasi.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ballanqaaday in uu isbedel ballaaran ku samayn doono siyaasadda dalkaasi, uuna soo nooleyn doono dhaqaalaha.

Boqolaal boolis ah ayaa sugayay ammaanka caasimadda Paris intii ay socotay xaflada caleema-saarka oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Elysee Palace.

Macron ayaa Isniinta beri ah booqan doona caasimadda Berlin ee dalka Jarmalka, si uu hogaamiyaha dalkaasi Angela Merkel ugu xaqiijiyo taageerada uu u hayo Midowga Yurub.

- Advertisement -

Read more

Local News