Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada Farmaajo ee Xabsiga dhexe + Faahfaahin

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta booqashadiisii ugu horeeyay ku gaaray Xabsiga dhexe ee Xamar.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay sida qolalka Maxaabiista, Xarunta Warshada lagu tababaro maxaabiista iyo goobo kale oo dhowr ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa tababarka ku wehlinaayay Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.

Madaxweynaha ayaa waxaa qolalka iyo Warshadaha kala tusay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa Madaxweynaha macluumaad ka siiyay sifaadka ay u xiran yihiin Maxaabiista waxa uuna sheegay in badi ay yihiin kuwa loo xiray danbiyo fudud, halka qaarna ay yihiin kuwo la tarbiyadeynaayo oo ay soo xirteen eheladooda.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Taliyaha Ciidamada Asluubta ku amray in lasii daayo dhalinyarada u xiran danbiyada fudud isagoo rajo ka muujiyay inay ka toobakeeni doonaan falalka loo xiray maadaama aysan galin danbiyo dil iyo wixii la halmaala.