25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulankii khaaska ahaa ee dhexmaray Farmaajo iyo Boqorka Sucuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudiga, waxaana uu safarkiisu salka ku hayaa ka dhabeyntii heshiisyadii ay horay u wada gaareen labadda Hoggaamiye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta la kulmay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Twitter-ka Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, isla-markaana uu kulanku ku soo idlaaday jewi is afgarasho ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

- Advertisement -

Read more

Local News