Wararkii ugu dambeeyey Caawa Cadaado iyo xogta laga helayo shirka ka socdo oo meel gebagabo ah marayo

Cadaado (Caasimada Online)- Wararkii ugu dambeeyey ee Magaalada Cadaado aan Caaw ka heleyno ayaa sheegayo inuu hadda socdo kulankii ugu dambeeyey ee go’aanada lagu soo saari doono kaasoo loo diiday saxaafadda iyo odayaasha.

Kulanka ayaa waxaa wada fadhiyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf, Ku Xigeenkiisa Carabeey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir, ku xigeenkiisa iyo Xildhibaanadii maanta halkaas gaaray oo isugu jiro aqalka Hoose iyo Aqalka Sare.

Markii hore waxaa dhacay kulan ay gacanta is geliyeen seddexda Mas’uul isla markaasna lagu dhawaaqay inay is cafiyaan, niyadda isku furaan isla markaasna si qalbi furan oo loo wada fadhiisto.

Kulankaas kadib ayaa waxaa bilowday kulankii ugu dambeeyey ee lagu doonayo in go’aano lagu soo saaro, waxaana la rajeenayaa inay heshiiyaan madaxda Ugu sareyso ee Galmudug si loo badbaadiyo Maamulkaas.

Kulankaas ayaa la sheegayaa inuu soo dhamaan doono saacad kadib isla markaasna lagu dhawaaqi doono natiijada kasoo baxday iyo waxa lagu heshiiyey.

Xildhibaanada Maanta halkaas gaaray ayaa ujeedkooda ku sheegay inuu yahay in meel dhex la isugu keeno dadka walaalaha ah ee is khialafsan si looga fagooda fowdo iyo qalalaaso ka bilowdo deeganadaas.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inaysan aqbali karin in la dumiyo Maamulka Galmudug midaas badalkeedana wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan badbaado iyo wada noolaasho dhexmarto Walaalaha ku heshiiyey Maamulkaas.

Wixii kasoo baxo kulanka hadda gabagabada marayo waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com