Sawirro: Sidee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru loogu soo dhaweeyey Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyey, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemaha saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane.

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan Xarunta Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo bishii Febraayo sanadkii 2015-kii ay labaduba dhagax dhiggeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa isna soo gaaray garoonka Aadan Cadde, waxaana kusoo dhaweeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Ambassador, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Uhuru Kenyata ayaa booqashadiisa Soomaaliya waxay kusoo aadeysaa, xilli uu isbedal weyn ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay isku dhaceen Farmaajo.

Dowladda cusub ayaa la filayaa inay isla amba-qaadaan si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal oo daris ah, kana dhexeeyo ganacsi xoogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.