Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa garoonka aadan cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay ciidamo ka socday dalka Burundi kuwaa oo ku biiri doona ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Somali.
Ciidamadan ayaa ka tirsan guutada 45-aad oo kamid ah ciidanka Burundi, waxaana hogaaminaaya Lt. Col. Philbert Hatungimana.
Ciidamadan ayaa booska kala wareegi doona guutooyinka 39-aad oo shaqadooda dhameystay, waxa ayna si toosa ula wareegi doonaan fariisimahooda.
Taliyaha hogaaminaaya ciidamada Lt. Col. Hatungimana ayaa sheegay in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Burundi waa dalka labaad ee ciidan nabad ilaalineed u soo dira Somaliya, ka dib dalka Uganda oo ciidankii ugu horeeyay ee Midowga Afrika ka socda u soo dira Somaliya sanadkii 2007-dii.


