Mooshin ka dhan ah RW Kheyre oo loo gudbiyay Guddoonka Aqalka sare

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mooshin loogu yeerayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa loo gudbiyay Xubaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka waxaa Guddoonka Aqalka sare u gudbiyay Xildhibaano uu horkacyo Xaaji Muuse Yalaxow,waxaana mooshinka ujeedkiisu yahay in Ra’iisal wasaaraha Wax laga weydiiyo Arimo lagu tuhmayo oo ay ka mid yihiin Xaalada maamulka Hirshabeelle.

“ Mooshinka oo ah U yeeris Wasiirka Koowaad,Wuxuu salka ku hayaa kaalinta Xukuumadda ee Hirshabeelle iyo dhowr Qodob oo kale,waana kii ugu horeeyay oo Aqalka sare la geeyo iyadoo loogu yeerayo madaxda Dowladda Federaalka’,Ayuu yiri Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xilli kasta loo yeeri karo, isla markaana diyaar u yahay inuu hor-yimaado, waxaana ka muuqatay inuu waxooga dhaliilsanaa qaabka mooshinka looga soo gudbiyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu hortago Golaha Aqalka sare, isagoo su’aalo laga weydiin doono tallaabadii Xukuumaddiisa ugu taageertay go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle xilka ugu qaadeen Cali Cosoble.

Aqalka sare ayaa metalaya Dowlad Goboleedyada dalka,waxayna difaacaan danaha maamuladaasi.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu dabada ka riixayo xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxweynihii maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.