28.2 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Sawirro: Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay ciidamada ajnabiga ee ka socda dalka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa Midowga Afrika AMISOM ee ka howlgala Somalia.

Ciidamadaan ayaa kasoo degay magaalada Muqdisho, waxa ayna ka socdaan sida aan wararkeena hore ku sheegnay dalka Zambia oo ka tirsan dalalka Afrika.

Ciidamada kasoo degay magaalada Muqdisho ayaa cadad ahaan lagu sheegay 20 Askari oo ay wehliyaan tirro Saraakiil ah kuwaa oo ku biiraya Booliska AMISOM.

Ciidamadaani ayaa waxaa ku jira ilaa 4 Sargaal oo ka qeybqaadan doona tababarada iyo jiheynta ciidamada kuwaa oo ay soo wakiilatay dowlada Zambia oo xili uu howlgalku yahay gabogabo kusoo biirtay AMISOM.

Ciidamadan ka socda dalka Zambia ayaa waxaa munaasabad soo dhoweyn ah loogu qabtay xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Xalane.

- Advertisement -

Read more

Local News