Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas qaran loogu sameeyay allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland.
Salaada Janaasaada ayaa waxaa marxuumka lagula dukaday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin dhowr ah.
Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Khayre, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal.
Salaada Janaaso kadib ayey mas’uuliyiinta goobta ugu duceeyen marxuumka, waxa ayna Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.
Kheyre ayaa la kulmay qaar kamid ah ehelka marxuumka iyo Wasiiro ka tirsan Jubbaland, isagoo tilmaamay in Awlibaax uu ahaa shaqsi ka baxay qaranka Soomaaliyeed.


