25.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 24, 2026

Sawirro: SoDMA iyo QM oo ku dhowaaqay heerka halis ay u dhinteen…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo George Conway, Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimo, ayaa galabta shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay abaaraha dalka.

Maxamuud Macallin iyo George Conway ayaa shirkooda jaraa’id ku shaaciyay in xaaladda abaarta dalka ay gaartay heer aad u halis ah, isla markaana ay sii xumaaneyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Sidoo kale, labada masuul ayaa si wadajir ah u sheegay in abaartu si baahsan u saameysay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka, iyadoo ay jirto cunno-yari, biyo la’aan iyo barakac sii kordhaya.

Waxaa kale oo ay xaqiijiyeen in dad ay u dhinteen saameynta gaajada iyo harraadka, gaar ahaan carruur iyo waayeel ku nool deegaanno katirsan dalka.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Arrimaha Bani’aadannimo, George Conway ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo mideysan, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo ka sii darta tan jirta.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in ay si dhaqso leh u kordhiyaan taageerada dhaqaale iyo midda gurmad si loo badbaadiyo nolosha malaayiinta qof ee halista ku jira.

Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle  ayaa sheegay in ku dhowaad 6.5 milyan oo qof ay abaartu saameysay, halka in ka badan 2 milyan oo qof ay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah oo aan haysan cunto iyo biyo mid nah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in xarumaha caafimaadka ay soo sheegayaan nafaqo-darro baahsan oo soo food saartay carruurta, isla markaana ay kordhayaan qoysaska ka barakacaya miyiga una soo hayaamaya magaalooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News