Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan deegaannada Somaliland ayaa waxaa maanta si weyn looga xusay sannad-guurada 34-aad ee munaasabadda 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.
Munaasabadda dabaal-dega oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa magaalada Hargeysa uga qeyb-galay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynihii hore ee Muuse Biixi Cabdi, Madax hore, mas’uuliyiin kala duwan, diblumaasiyiin iyo wafuud ka kala socotay dalalka saaxiibka la’ah Somaliland.
Waxaa fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso leh oo lagu muujinayo xuska maalinta 18-ka May, ayada oo halkaas ay bandhig cajiib ah ka sameeyen ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Sidoo kale, waxay sanadkaan Somaliland kusoo bandhigtay xuskan cudud ciidan iyo saanad militeri oo Somaliland leedahay, iyada oo hay’adaha wax soo saar ee gudaha iyo degmooyinka caasimadduna soo bandhigeen wax soo saarkooda iyo horumarka ay sameeyeen.
Ciidamada kala duwan ee Somaliland sida militeriga, kamaandoosta, asluubta, ilaalada xeebaha, laanta socdaalka iyo booliska ayaa gaardis iyo gaaddo ka ciyaar farsamooyin ciidan ku dheehan yihiin fagaaraha kusoo bandhigay, kuwaasi oo uu halkaas salaan kaga qaatay madaxweynaha, iyada oo sidoo kalena ay ciidamada kala duwani soo bandhigeen gaadiid dagaal oo casri ah iyo saanad kale.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo halkaasi khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada kala duwan iyo shacabka reer Somaliland, ee xuska maalinta 18-ka May, oo ah maalinta ay sheegto in Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.
“Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay buuxisay halbeeg kasta oo laga filayo qaran madax-bannaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay u qalanto inay hesho aqoonsi caalami ah.
Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirrada