Sawirro: Soomaaliya iyo QM oo gaaray isfaham muhiim ah kadib kulan ka dhacay Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Catriona Laing.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid miro-dhal ah oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday guushii dowladda Soomaaliyaha ee nnaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay daba-yaaqadda sanadkii tegay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo saaray qoraal kooban bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada-shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday sida ay Qaramada Midoobay dadaal ugu bixinayso kor u qaadista taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumarka ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.