Sawirro: Soomaaliya oo ka guuleysatay 39 dal kadib markii…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa guul wayn ka gaartay loolan loo galay doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Soomaaliya ayaa loolankan uga guuleysatay 39 waddan oo Afrikaan ah, isla markaana xubno ka mid ah Hay’adda African Risk Capacity ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (ARC).

Sida ay lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA waxaa saddexda sano ee soo socoto ururkan guddoomin doono Hay’adda Maareynta, waxaana matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki)

Waa markii labaad ee ay Soomaaliya ku guuleysaneyso shir guddoonka uruurkan, tan iyo markii la saxiixay heshiiska uu ku dhisan yahay.

“Hay’adda SoDMA ayaa ku guuleeysatay doorashada xubin ka mid ah xubnaha maamulka hay’adda ARC Saddexda sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki), waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka Ururkaan tan iyo markii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sannadkii 2021” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda SoDMA.

Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah Hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka.

Shirkan oo ay ku kulmeen 39-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaan qeeybtiisa farsamada waxaa gudoominayey Agaasimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka SoDMA, Khadar sheekh Maxamed Nuur, waxaana shirka qeybtiisa farsamo lugu go’aamiyey go’aanno farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu doorkan guddoomiyey Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe bandhig cajiib ah ka sameyneysay fagaarayaasha caalamka, waxaana dhowaan ay ku guuleysatay ku biirista Dallada Bariga Afrika ee EAC, hadda waxa ay dooneysaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharraxan tahay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay usoo qabatay xilal kala duwan.