Sawirro: Soomaaliya oo markii ugu horreysay yeelaneysa Xarunta Xogta Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa shalay soo kormeeray dhulka loogu tala-galay in laga dhiso xarunta Xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalla gudaha xerada Xalane, gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka dalka.

Wasiirka ayaa waxaa kormeerkaan ku wehlisay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheekh.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in dhulkaan la siiyey wasaaradda Isgaarsiinta, islamarkaana ay qorsheynayaan in laga dhiso kaydka xarunta Xogta Qaranka (National Data Center).

“Waxaan booqday dhulka wasaaradda ku leedahay aagga Xalane, qorshaha wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhamaan Xogta Soomaaliya iyo hay’ad walba oo macluumaad ururiso in hawada toos ugu jirto, iyada oo ammaan ah la helikaro xilli walbo oo loo baahdo,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Xaruntaan oo laga dhisi doono meel u dhow halka Internet-ka ka soo galo dalka, ayaa waxa looga maarmi doona in dalal kale lagu hayo xogteena, sida himika jirta. Wuxuu dal walba horumar ku gaaraa sida uu u keydsado Xogta Qarankiisa.