Xukuumadda Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay qaateen Mucaaradka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aanka kasoo baxay xisbiyada mucaaradka ee Wadani & UCID oo xalay shaaciyey in Muuse Biixi aysan u aqoonsaneyn madaxweyne, kadib 13-ka November oo shalay aheyd.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo u warramay Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray mucaaradka uu meel ka dhac weyn ku yahay qaranimada Somaliland, ayna sidoo kale tahay arrin ayaan darro ah.

“Waxaa ayaan darro ah in dadkii dalkaan ka doonayay in ay xukumaan ee Ummadda codka ka doonayay ay yiraahdaan dalkaan doorasho kama jirto, Xisbiyadu waxa ay Mucaarad ku yihiin Qaranka Somaliland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka ay ku dhowaaqeen xubnaha mucaaradka uu yahay wax laga xumaado, islamarkaana dhaawacaya dimuquraadiyadda Somaliland.

Kaahin ayaa sidoo kale ku eedeeyey xisbiyada Wadani iyo UCID in ay wadaan abaabulka kacdoon bulsho, si loo kico dadweynaha reer Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale taliyaha Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa ka hadlay xiisadda kacsan ee Somaliland, isaga oo digniin adag u diray hoggaanka xisbiyada mucaaradka maamulkaasi iyo sidoo kale taageerayaashooda.

Dabagale ayaa wacad ku maray in ay ka hortegi doonaan rabshado ka dhaca Somaliland, islamarkaana ay adeegsan doonaan awood ciidan, haddii mucaaradku tallaabo qaado.

“Booliisku waxa ay isu yimaadaan qofka shuruucda dalka kahor yimaada, Dadka faraha la gala amni darro, Dadka wixii soo baxa ee khaladaad nooca uu doono ha ahaado sameeyo way is arkaan, Dadka kale wuu ilaaliyaa, Qof wailibow gurigaaga ku jir, Qof walibow shaqadaada qabso oo Amniga garab istaag” ayuu yiri Sarreeye Guuto Maxamed Aadan.

Somaliland ayaa wajaheysa xaalad hubanti la’aan ah, taas oo ka dhalatay go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo iska diiday muddo kordhintii dhowaan loo sameeyey madaxweyne Muuse Biixi, iyaga oo shaaciyey inay qabsan doonaan doorashooyin xor iyo xalaal ah.