Xoogag ka tirsan DF iyo kuwo dibedda ah ‘oo fashilinaya’ dagaalka lagu jiro Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaca ka qaaday in xoogag ka tirsan dowladda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waare ayaa tusaale usoo qaatay ka-bixitaanka ciidamada dowladda ee deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay dib u qabsadeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, iyo dagaal beeleedka ka dillaacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Kadib ka-bixitaankii ciidamada xoogga dalka ee Wabxo, iyo kasii darista dagaal beeleedka Cadale, waa ay caddahay in xoogag qarsoon oo ku jira dowladda iyo kuwa dibedda ka ah ay waxyeeleynayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijita. Waa arrin murugo leh, waana sir furran,” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii laga hortagi lahaa kooxda fashilineysa dagaalka ee la joojin lahaa.

Waare ma uusan magacaabin kooxdan, hase yeeshee todobaadyadii dhowaa waxaa gaabis xooggan uu ku yimid dagaalka lagu jiray kooxda Al-Shabaab, taasi oo wiiqday rajada laga qabo in dagaalka uu guuleysto.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dagaalka hoggaamiyo, islamarkaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bixinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya. 

Inkasta oo safarrada qaar loo qiil dayi karo sida kii ugu dambeeyey ee Eritrea, haddana Xasan Sheekh wuxuu galayaa kuwa kale oo macno-darro ah, sidii shirkii cimilada ee magaalada Sharma Al-Shaikh ee dalka Masar, oo wasiirada dowladda ay ku filnaayeen.

Si kastaba, hadda madaxweynaha aanu isbeddel deg deg ah sameyn, islamarkaana cago dhigin dalka, waa adkaan doontaa in laga adkaado Al-Shabaab.