Sawirro: Taliska ciidamada xoogga oo soo bandhigay rag halis ku ahaa amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigay 5 ruux oo lala xiriirinaayo inay dhigteen jidgooyooyin.

Jenaraal C/laahi Cali Caanood oo ah Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in Shantaani ruux ay ku hubeysnaayen Hubka nooca loo yaqaan AK-47 iyo gaari ay u isticmaalayeen dhaca dadka.

Waxa uu sheegay in dhaca ay ka geysan jireen waddada dheer ee xiriirisa magaalada Muqdisho iyo degaanka Lambar 50.

Jenaraal C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in Shantaani ruux ay muteysan doonaan ciqaab, waxa uuna cadeeyay in ciqaabtooda ay la wadaagi doonaan warbaahinta.

Waxa uu intaa raaciyay in ragaani lagu soo qabtay Howlgal ay sameeyen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.